Booliska oo fahfaahin cusub ka bixiyay Qaraxii Muqdisho

Afhayeenka wuxuu sheegay in qaraxa loo adeegsaday Mooto Bajaaj nooca Xamuulka lagu qaado oo walxo qarxa lagu soo xiray.

Warar Keydmedia Online
Booliska oo fahfaahin cusub ka bixiyay Qaraxii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay maqayadda Luul Yemeni loo adeegsaday mooto Bajaaj.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id, afhayeenka ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof, 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay Isbitaallada.

Waa qaraxii labaad oo Luul Yemeni lala eegto tan iyo August 2020, waxaana qaraxii xalay uu ahaa midkii ugu khasaaraha badan, waxayna wararka ay sheegayaan in khasaaraha dhimashada uu gaarayo 20.

Maqaayadan oo ku taalla wadada aada Dekadda Muqdsho ayaa waxaa si joogto ah u taga shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha hay'adaha amniga, iyadoo Kooxda Al-Shabaab sheegtay in weerarkii xalay la eegatay mas'uuliyiin sare.

Waa wax ku cusub dhegaha dadka in Mooto Bajaaj loo adeegsado qarax, waxayna muujinaysaa in marwalba Kooxda Al-Shabaab bedelayso xeeladda ay ku fuliso weerarada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.