Booliska oo xog cusub ka bixiyay kufsigii iyo dilkii Xamdi

Xamdi ayaa sii arxan darro ah oo ka baxsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed loogu kufsaday kadibna looga soo turey dabaq 6 biyaano ah oo ku yaalla degmada Waaberi habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Warar Keydmedia Online
Booliska oo xog cusub ka bixiyay kufsigii iyo dilkii Xamdi

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah faah faahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo baaritaanka kiiska dilka iyo kufsiga ee Xamdi Maxamed Faarax, oo wali aan cadaalad helin.

War qoraalka oo Booliska soo saarey ayaa lagu sheegay inay xabsiga ku jiraan oo su'aallo la waydiinayo 11 ruux oo loo xiray kiiska baarista falkii lfoosha xumaa ee loo geystay Xamdi, oo ahayd gabar 19 jir ah oo sanadkaan dhameysay waxbarashadda Dugsiga Sare.

Afhayeenka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan oo Maanta shir-jaraa'id ku qabtay Caasimadda ayaa sheegay in baarista ay meel wanaagsan mareysan, isagoo ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan sidii cadaaladda loo korkeeni lahaa kuwii nafta naafiyay Gabadha.

Xamdi ayaa dhalinyaro ku shirqooshay hotel-ka Marwo oo ku yaalla Xaafadda Maajo ee degmada Waaberi habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay, waxayna kula kaceen kufsi iyagoo kadibna kasoo tuuray dabaqa.

Kiisaska Kufsiga ayaa Soomaaliya kusoo kordhaya mudooyinkan, waxaana dhawaan degmada Shangaani lagu kufsaday wiil 10 jir ah, iyadoo falkan ay geysteen askar katirsan Militeriga dowladda uu hogaamiyo Farmaajo.

Horaantii sanadkan, Afgooye waxaa lagu kufsaday labo gabdhood oo walaalo ah, oo 3 iyo 4 jir ah, iyadoo kasii horeeyay kufsi gabadho ay Ciidamada dowladda uga geysteen degaanka Janaale oo dhawaan kala wareegeen Al-Shabaab.

2019, Gaalkacyo dhinaca waqooyi waxaa lagu kufsaday, laguna dilay Caa'isha Ilyaas oo 11 jir ahayd, iyadoo raggii falka ku kacay oo ahaa dad waaweyn oo odey ku jiray qaar la dilay.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.