Ciidan gadoodsan oo la wareegay Xarun Wasaarad

Askarta ayaa la sheegay inay ka cabanayaan xuquuq la'aan, waxayna Saraakiisha hogaaminaysa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu lunsaday lacagtii loogu tala-galay Ciidamada amniga.

Warar Keydmedia Online
Ciidan gadoodsan oo la wareegay Xarun Wasaarad

BOOSAASO, Soomaaliya - Cutubyo katirsan Ciidanka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo u xilsaarnaa la-dagaallanka Maraakiibta Jariifka ah ee Xeebaha Maamulka, ayaa Maanta la wareegay xarun ay Wasaaradda Kalluumeysiga ee magaala xeebeedka Boosaaso.

Ciidanka gadoodka sameeyay ayaa go'doomiyay xarunta, iyagoo diiday inay kasoo baxaan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir ku xigeenka Kalluumeysiga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, sida Saraakiisha booliska u sheegeen Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.