Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka oo tababar loo soo Gagabeeyay

Kismaayo (Keydmedia) - Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka ee awoodooda sii wiiqmeysa ayaa tababar loogu soo gebagebeeyay deegaano ka tirsan gobbolka Bay.
Warar Keydmedia Online
Boqolaal ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka oo tababar loo soo Gagabeeyay

Tababarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa xili inta badan gobbolka Bay uu ka baxay gacanta Maleeshiyaadka Shabaabka, waxaana tababarkaan lagu soo gebagebeeyay meel duur ah oo ku taallo duleedka degmada Diinsoor.

Horjoogayaal ka tirsan kooxda Shabaabka oo ka hadlay Munaasabaddii Maleeshiyaadka tababarka loogu soo gebagebeenaayay ayaa ka codsaday dhallinyarada tababarka loo soo gaba gabeeyay in Waxqabadkooda iyo howshooda laga dareemayo furimaha ay isku horfadhiyaan Maleeshiyaadka Shabaabka iyo xooggaga ka soo hor jeeda.

Tababarkaan ayaa ku soo aadaya xili Maleeshiyaadka Shabaabka ay ku fashilmeen dagaaladii ugu dambeeyay ee 24 kii saac ee la soo dhaafay ka dhacaayay qeybo badan oo Bay ka tirsan.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo