Bulshada rayidka oo dhex-dhexaadinaya DFS iyo Musharraxiinta

Kulankaan ayaa diradda lagu saaray sidii xal ballaaran oo degdeg ah loogu heli lahaa doorashada 2020/2021.

Warar Keydmedia Online
Bulshada rayidka oo dhex-dhexaadinaya DFS iyo Musharraxiinta

Bulshada rayidka ayaa isku xil-saartay in ay dhex-dhexaadiso DFS iyo musharraxiinta si loo helo qaab la isku wada raacsan yahay oo doorashada wadanka ah.

Golaha midowga musharraxiinta ayaa maanta la kulmay ururada bulshada rayidka xubno ka socda uu oo hoggaaminayo guddoomiyahooda Tahliil Shaatax. Kulankaan ayaa diradda lagu saaray sidii xal ballaaran oo degdeg ah loogu heli lahaa doorashada 2020/2021.

Shariif Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhex-dhexaadintan ay isku xilqaameen ururada bulshada rayidka ayna soo dhaweynayaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Tahliil Shaatax oo isna hadlay wuxuu tilmaamay in muhiim ay tahay in dalka la badbaadiyo, wax walbana lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

Bulshada rayidka ayaan la ogeyn sida ay Farmaajo uga dhaadhicin doonaan in dalkaan uu ku hoggaamiyo doorasho nabad ku dhacda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.