Bur-burinta Goobaha Ganacsiga Muqdisho oo isa-soo tareysa

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howl galada sharci darrada ah ee ay ku bur burinayaan dukaamada ay leeyihiin ganacsatada yar yar.

Warar Keydmedia Online
Bur-burinta Goobaha Ganacsiga Muqdisho oo isa-soo tareysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalkan oo soo bilawday bishii 7-aad ee sanadkan ayaa hakaday 15-kii cisho ee ugu danbeysay, waxaase maanta mar kale uu ka bilawday Degmada C/casiis, halkaasoo lagu bur buriyey dukaamo iyo dabakaayooyin ay leeyihiin dad dan yar ah.

Dadkan dukaamadooda la bur burinayo, ayaa u badan kuwa iska diiday lacago sharci darro ah oo ay nabad sugida rabto in ay baad ahaan u qaadato, waxaase iminka ay muujinayaan cabasho aad u xooggan.

Dadka leh ganacsiyadan ayaa sheegaya in aanay aawooddin dhaqaalaha lagu xujeeyey in ay bishii bixiyaan, taasoo caddad ahaan gaareysa $50 dollar, oo ah dhaqaale aan soo galin dadkaasi dan yarta ah.

Ciidamada oo arintaasi ka duulaya ayaa ganacsiga dadkan ku sheegay kuwa sharci darro ah, oo laga dhistay laamiga hareerihiisa, waxana jira in aan si siman loo bur burin goobaha ganasiyadaasi ay ku yaallaan, isla markaana la dhaafay kuwii iska bixiyey lacagtii lagu xujeeyey.

Dadkan ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay soo fara galiso dhibaatada lagu hayo, maadaama ay yihiin dad dan yar ah oo dhaqaale ahaan aad u liita, isla markaana nolosha maalin-laha un ka hela dukaaamadaasi ganacsi ee ay leeyihiin.

Qorshahan dhaqaalaha looga sameynayo ganacsatada yar yar, ayaa waxaa wata Fahad Yasiin, kaasoo xubno ka tirsan NISA u xil-saaray arrintan, lamana ogga xilliga uu booliska Soomaliya ka jawaabayo caqabadahan heysta ganacsatada yar-yar oo ay cabashadooda soo laabatay dhowr jeer.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.