Burcad Badeedda oo afduubatay markab Cusub

Nairobi (Keydmedia) - Burcad badeed Soomaali ayaa Shalay adfuubtay Markab nooca Shidaalka qaada oo watay Calanka Dalka Liberia.
Warar Keydmedia Online
Burcad Badeedda oo afduubatay markab Cusub

Markabka oo lagu magacaabo MT Smyami waxaa laga qafaashay meel 450 mile u jirta xeebaha Koonfur bari ee Dalka Cummaan, iyadoo burcadda ay ku weerartay qoryaha fudud iyo doomo dheereeya, sida ay sheegtay hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa burcad badeedda ee IMB.

Lama sheegin cid wax ku noqotay weerarka, balse waxaa waxyeelo gaartay markabka intii ay socotay rasaasta ay ridayeen kooxda burcad badeedda ah.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada shaqaalaha saaran Markabkaas.

Keydmedia.net - Xafiiska Nairobi