Burcad badeedda oo markab sii daysay

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daysay markab laga leeyahay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ay in muddo ah lagu haystay xeebaha deegaanka Xandulle ee gobolka Mudug.
Warar Keydmedia Online
Burcad badeedda oo markab sii daysay

Burcad badeedda ayaa la sheegay in ay markabka ka qaadatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa hal milyan oo doollar.

Intii ay markabka haysatay burcad badeedda waxay dishay mid ka mid ah dadkii shaqaalaha ahaa ee la socday si loogu soo dedejiyo lacagta madax-furashada ah.

Bilihii la soo dhaafay waxaa yaraaday weerarrada burcad badeedda Soomaalida ah ay ka fuliso xeebaha Soomaaliya iyo biyaha ku xeeran sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dalalka shisheeye ee ku sugan badda Soomaaliya.