Buula-mareer oo Gacanta u gashay Dowladda

Buula-mareer (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta si buuxda ula Wareegay Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Buula-mareer oo Gacanta u gashay Dowladda

Ciidamadda Huwantaa ayaa Magaalada kula Wareegay Dagaal mudo Saacado ah qaatay oo ay la galeen Maleeshiyada Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada DFS iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay Magaalada ka soo galeen labo jeho oo kala ah Barriga iyo Waqooyiga Magaalada, waxaana hada Ciidamadda ay dageen Saldhiga Buulamareer iyo Xarunta Degmad.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay la wareegida Buulamareer oo hada ay Ciidamada Huwantaa ay ku sugan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu geeystay Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo gaaray Labada dhinac iyo Dadka Shacabkaa intaba.

Illo madax banaan ayaa Keydmedia Online u sheegay in Dagaalka Deegaanka Buula-mareer ay ku geeriyoodeen Dad gaaraya 10 Ruux oo Shacab u badan.

Xaalada Magaalada ayaa hada dagan, waxaana Ciidamada qaar ay Magaalada ugu gudbeen dhanka Magaalada Baraawe oo ay fariisimo ka sameysteen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho