Siidii muxuu ka badali karaa Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose ?

Siidii oo Shan sanno kahor laga qaaday xilkaan, ayaa haatan dib loogu soo magacaabay, iyadoo gobolka aan wali ka jirin wax isbedel ah dhinaca amaanka iyo horumarka dhaqaale.

Warar Keydmedia Online
Siidii muxuu ka badali karaa Amniga Gobolka Shabeellaha Hoose ?

BAYDHABO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax isaga oo magacaabay "guddoomiye cusub".

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hoggaamiye Cabdicasiis Laftagareen ayaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa loogu Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii oo hore u soo noqday Guddoomiyaha Gobolkaasi, sidee Keydmedia Online hore usoo qortay. 

Cabdiqaadir Nuur Siidii ayaa lagu xusuustaa inuu muddo dhowr sano ah guddoomiye ka soo ahaa gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa xusid mudan Ibraahim Cali Aadan Najax oo ah guddoomiyaha haatan xilka laga qaaday uu isla xilkan kala wareegay Cabdiqaadir Siidii bishii Nofeembar ee sanadkii 2015-kii.

Tabtiisa Amniga ee Sh/hoose

C/qaadir Siidii ayaa ah shaqsi aad u yaqaan tabta amniga gobolkaasi, wuxuuna halkaasi kasoo shaqeeyay xilli gobolka uu aad u adkaa, kuna badnaayeen Mooryaan iyo sidoo kale Kooxda A-shabaab.

Siidii oo aad u kala yaqaan gobolka ayaa horey uga soo qeyb-qaatay howlgalladii Al-shabaab looga xoreynayey gobolkaasi, wuxuuna ka qeybgalay dagaallo aad u badan oo Al-shabaab lala galay.

Tan iyo markii xilkaasi laga qaaday waxaa hakad galay howlihii uu u hayey shacabka gobolkaasi, sida gar-gaarka, ammaanka iyo sidoo kale dagaalada ka dhanka ah A-shabaab.

Muxuu soo kordhin karaa hadda?

C/qaadir Siidii ayaa laga filayaa in hadda uu wax badan ka qabto xaaladda gobolka Shabellaha Hoose, oo haatan xaalado adag ay ka taagan yihiin, waxaana ugu daran shacabka dhibka ka haysta dhanka Fatahaadaha.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose, wuxuuna kaalin mug leh uu ka qaadan karaa dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Inkastoo dadka degan gobolka ay sheegeen inuusan jirin wax horumar ah oo maamullada la isku bedelayo ay keenayaan, maadaama ay jiraan dhibaatooyin aan waxba laga qaban, oo abaaraha, fatahaadaha, dagaallada soo noq-noqday iyo amni la'aanta kamid yihiin, hadana tilaabada uu qaadi doono Siidi ayaa isha lagu hayaa. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.