C/weli Gaas: RW Rooble Wasiiro cusub yaanu soo magacaabin

Waxa uu C/weli Gaas aaminsan yahay in wqtiga ku lumi doono haddii wasiiro cuub lasoo magacaabo.

Warar Keydmedia Online
C/weli Gaas: RW Rooble Wasiiro cusub yaanu soo magacaabin

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaarihii hore dalka, ahaana madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay RW Rooble in aanu soo magacaabin wasiiro cusub, si aanay ugu adkaan shaqada uu qaban doono.

Gaas oo wareysi siiyey VOA Somali ayaa sheegay in looga baahan yahay Ra'iisul wasaaraha inuu sii haysto wasiiradii Khayre, maadaama shaqo adag ay hayeen, sidoo kalena aanu waqtiga ka ludhumeynin haddii ay sii joogaan.

"Ra'iisul wasaaraha shaqo adag ayaa u taalla, waxaa laga rabaa in amniga, dhaqaalaha iyo doorashadaba uu ka shaqeeyo, waxay ila tahay in uu sii haysto wasiirada joogay oo aanu damac kale gelin," ayuu yiri Gaas.

Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa kula dar-daarmay Ra'iisul wasaare Rooble in uu daacad u noqdo dalka iyo madaxweynihii soo magacaabay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dalka Soomaaliya ayaa wajahaya xilli doorasho oo adag, waxaana RW Rooble shaqada ugu weyn ee laga sugayo ay tahay qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacdo, taasoo ay ku heshiiyeen bishan Farmaajo iyo Madaxda Maamullada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.