C/xaashi oo soo saaray habraaca doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi

Guddoomiyaha ayaa sheegay in laga fogaanayo musuq iyo fowdo ka dhacda doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
C/xaashi oo soo saaray habraaca doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, C/xaashi C/laahi ayaa soo saaray habraaca doorashada ee xildhibaannada gobollada Waqooyi.

C/xaashi oo aad uga soo horjeedo sida ay wax u wadaan Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale wuxuu soo bandhigay shuruudaha laga doonayo qofka isku soo sharxaya xildhibaannada Labada gole, saamiga gobollada Waqooyi (Somaliland).

Qoraalka guddoomiyaha wuxuu ku sheegay in habraacan uu waafaqsan yahay heshiiskii doorasho ee ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka.

Halkaan hoose ka akhriso habraaca doorashooyinka Labada gole baarlamaanka ee gobollada Waqooyi.
 

Commenting is not available in this channel entry.