C.qaadir Macalin Nuur: dowladu way kala daadsantahay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Wasiiru-dowlaha madaxtooyada C.qaadir Macalin Nuur oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay kala daadsanyihiin, isla markaana arintaasi ay sababtay fursad ay helaan shabaab.
Warar Keydmedia Online
C.qaadir Macalin Nuur: dowladu way kala daadsantahay

“ Waxaa suurta galiyay in shabaab ay weeraro ka fuliyeen deegaanada ay dowlada ka taliso kala daadsanaanta ciidamada dowlada, waayo waxaa la adeegsaday dharkooda waana lagu soo dhex lugeeyay, waxaana loo baahanyahay in arintaasi laga feejignaado” sida waxaa warbaahinta u sheegay C.qaadir Macalin Nuur.

Hadalka wasiiru-dowlaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili shalay galinkii danbe ciidamo ka tirsan shabaab ay weerar qorsheysan oo is qarxin lagu soo afjaray ay ka fuliyeen wadada shaqaalaha fariisin ay ku leeyihiin ciidamada Amisom ee taageera dowlada KMG ah.

WWW.KEYDMEDIA.NET