C.wali Gaas: Kenya gacan bay na siineysaa

Muqdisho (Keydmedia) - R.wasaaraha dowlada KMG ah C.wali Gaas ayaa sheegay in xukuumadiisa ay raali ka tahay cid walba oo soo fara galineyso arimaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
C.wali Gaas: Kenya gacan bay na siineysaa

"Kenya waxay nagula joogtaa qorsha sax ah, waana soo dhaweyneynaa howlgalka ay ka wado soomaaliya,waayo waxay naga saacidayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab" Sidaa waxaa yiri Gaas.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu jiro heshiis u dhaxeeya dowlada iyo kenya kaasoo ay dhamaad madaxda dowlada la socdaan isla markaana aanu sax aheyn hadalada ka soo yeeraya madaxda qaarkod

Hadalka Gaas ayaa ku soo beegmaya  xili Shariiof Axmed isniinti uu sheegay kenya in ay ku soo xadgudubtay soomaaliya isla markaana aan loo dul qaadan karin.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho