C/fitaax Afrax"Ciidamadeena Guulo ayey ka Gaareen Al-shabaab”

Baledweyne(KON)-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaliya C/fitaax Xasan Afrax oo la hadlayey Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay Guulo ka gaareen Dagaal ay la galeen Al-shabaab.
Warar Keydmedia Online
C/fitaax Afrax

Mudane Afrax ayaa sheegay in Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya  iyo Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Buulabarde ay Ciidamadu  Guulo ka Gaareen.

“Ciidamada Dowladda Soomaaliya Dagaalka waxaa ay ku Dileen ilaa 20 ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab,waxaan qabanay sidoo kale ilaa 10 kale oo Xabsiyada ku jira”ayuu yiri Afrax.

Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ayaa shalay waxaa ku dagaalamay Maleeshiyadka Kooxda Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Waxaana Dagaalkaasi Goobjoogeyaal  Keydmedia online  la hadlay ay sheegeen in Labada Dhinac uu soo garay Khasaaro Xoogan,inkastoo Maamulka Gobolka Hiiraan uusan sheegin wax Khasaaraa oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya soo gaaray.

Keydmedia online – Xafiiska Muqdisho