Cabdullahi Goodax Barre “Qorshe uma heyno Dadka Barakacaya”

Muqdisho (KON) - Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ka hadlay Xaalada Dadka ka Barakacay Deegaanada Al-shabaab laga Xoreeyey.
Warar Keydmedia Online
Cabdullahi Goodax Barre “Qorshe uma heyno Dadka Barakacaya”

Cabdullahi Godax ayaa sheegay in aysan jirin Wax qorshe ah oo Dadkaasi loogu talagalay in Dib u dajin loo sameeyo.

Waxaa uu intaa ku daray Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya in Dowladda Soomaaliya ay Xiligaan ku Mashquulsan tahay Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab.

Degmooyinka laga Xoreeyey Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa ka jirto Xaalada Adag oo dhanka Nololsha ah.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa laga saaray ugu yaraan 10 Degmo oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waxaana Degmooyinkaasi ku Dhibaateysan Kumaankun Qoys oo ka Barakacay Dagaalka u dhaxeey Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo iskaabaya iyo Kooxda Al-shabaab.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.