C/rashiid Xidig “Dowladda way feejigantahay”

Wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha gudaha Dowlada KMG ah Soomaaliya C/rashiid Max'ed Xidig ayaa sheegay in Dowlada ay si weyn uga feejigantahay talaabooyin uu sheegay in ay la damacsanyihiin xoogaga Dowlada ka soo horjeeda.
Warar Keydmedia Online
C/rashiid Xidig “Dowladda way feejigantahay”

" Waxaan dareensanahay inuu jiro abaabul dagaal oo ay wadaan kooxaha Dowlada ka soo horjeeda, waxaana annaga oo taa ka duuleyno aan sameynay howl galo lagu baacsanayo kooxa ay suurta gal tahay in ay carqalad galiyaan  ammaanka goobaha ay Dowlada ka taliso" sidaa waxaa sheegay C/rashiid Max'ed Xadig.

Hadalka Xidig ayaa waxa uu  yimid xili warar hoose ay sheegayaan in kooxaha Dowlada ka soo horjeeda  ay wadaan abaabulo dagaal ay la gali doonaan Dowlada mudada lagu jiro Bishan barakeysan ee Ramadaan.

www.keydmedia.net