Sidaas miyeey la maaganyahiin Muqdisho?
"Toban shaqsi oo Ajaanib u badan ayaa isku haysta Hogaanka Alshabaab, ilama adeerta Axmed Godane iyo Ibraahim Afgaan ayaa Soomaali ka ah inta kale waa Ajaanib uu horkacayo Abuu Mansuur Al-Amrik"ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo ku heyb ah Madaxweyne Shariif.
Mr Ciise oo ka hadlaayay hadafka Al-Shabaab ayaa yiri "Kooxda Shabaab Mad-habtooda waa Takfiir, waxayna aaminsan yihiin Cida aan iyaga aheyn inay Gaalo yihiin" sidoo kale waxa uu intaasi raaciyay in kooxdaasi ay ku dhex dhuumanayaan Ajaanib Dembiyo ka soo galay Dalalkooda iyo Caalamka. Waxaa uu difaacay joogitaanka Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in qaab sharci ah ay ku joogaan dalka sida uu hadalka u dhigay. "Abuu Mansuur iyo Cali Dheere waa aalado lagu adeegto, waxayna warbaahinta ka sheegaan warar ka xishoodaan dadka damiirka leh, sida qaraxii ka dhacay B?Beledweyne iyo kuwa loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed ee ku howlan nadaafadda"ayuu yiri C/raxiin oo mar ay isku wada saf ahaayeen ragga uu eeda dusha uga tuuray. Maxkamadihii Islaamka ayaa ka mid ahaa garabyadii kacdoonka kala soo horjeeday Ciidamadii Itoobiya iyo Dowladdii C/llaahi Yuusuf, inkastoo ay Shabaab cagta ku marisay dagaaladii horaantii sanadkii hore ay la gashay, kadib markii ay ku milantay Dowladda KMG, hase ahaatee Maxkamadihii Islaamka ayaanan ka marneyn eedaha ballaaran ee loogu jeedinayo doorka ay ku lahaayeen dhibaatada shacabka soo gaartay labadii sano ee u dambeysay. www.keydmedia.net
Add comment
Comments