C/raxiin Ciise “Xad gudbayaasha ma shacabkaa?”

Muqdisho (Keydmedia) Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow oo la hadlayay Radio Muqdisho isla markaana ka qeyb galayay falanqeyn Raadiyaha uu ka sameeyay dagaalada ayaa waxa uu is weydiiyay cidda kooxaha Dowlada ka soo horjeeda ay u yaqaanaan Xadgudbayaasha.
Warar Keydmedia Online
C/raxiin Ciise “Xad gudbayaasha ma shacabkaa?”

"Xad gudbayaasha ma shacabka Dagaalada ku geeriyoodaa? ma dhalinyarada ay soo qaldeen ee baaba'ay baa? waayo ma aragno cid kale oo ay wax gaarsiiyeen waxaanay ilaa iyo hada soo dhaafi la'yihiin halkii uu ka bilowday dagaalka" sidaa waxaa yiri C/raxiin Caddow.

Hadalka C/raxiin Ciise Cadow ayaa waxa uu warcelin u ahaa hadal ka soo baxay Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxaha Dowlada ka soo horjeeda kaasoo sheegay in Dagaalka hadda bilowday uu yahay mid ay ugu magac dareen "Dabar goynta kuwa soo xadgudbay".

Hadalada ay dhinacyda isku dhaafsanayaan warbaahinada ay isku afkaarta yihiin ayey shacabka ku nool Magaalada Muqdisho aad ugu jahawareereen waxaana shacabka ay garan la'yihiin ujeedooyinka ay damacsan yihiin kooxaha is haya.

www.keydmedia.net