C/salaan Daahir ” Waxaan la kulanay AMISOM”

Muqdisho (Keydmedia) Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasada ee maamulka Gobalka Banaadir C/salaan Daahir C/lle ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Amisom ay la qateen kulan ammaanka ku saabsan.
Warar Keydmedia Online
C/salaan Daahir ” Waxaan la kulanay AMISOM”

" Waxaan kulan kula qaadanay gudaha garoonka Diyaarahada Aadan C/lle ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka uu yimid kadib markii ay saraakiisha Amisom noogu yeereen in aan kala qeyb galno kulankaasi maadaama aynu nahay maamulkii Gobalka" sidaa waxaa u sheegay warbaahinta Mr c/salaan.

kualnka laba geesoodka ah ee ay wada qaateen Amisom iyo maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxyaabaha ugu xoogan ee looga hadlayay ka mid ahaa sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ee garoonka oo hada agahiisa ay fariisimo ku leeyihiin Amisom isla markaana il dhaqaale oo muhiim ah u ah Dowlada KMG ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan xiligan sababta ku soo beegtay in ay tahay iyadoo muqaadaraadka Amisom ay heleen warar sheegaya in garoonka Diyaaradaha lala damacsanyahay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsanayo gawaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

www.keydmedia.net