Caasho Shaacuur “ Baarlamaanka waa dad ay dhibaato ku dhacday”

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Caasho Shaacuur oo ka mid ah Haweenka bulshada rayidka ayaa si kulul u dhaliishay go’aankii xildhibaanada Baarlamaanka ay waqtiga 3-sano ah ku korarsadeen
Warar Keydmedia Online
Caasho Shaacuur “ Baarlamaanka waa dad ay dhibaato ku dhacday”

“ Wiilasha iyo gabdhaha Baarlamaanka ku jira waa kuwa dhibaato ay ku dhacday oo dal iyo dad midna wax  u heyn iyadoo lagu dhib qabay horjoogooda ayeey hadana 3-sano ku darsadeen waa ayaan darro waxaana la gudboon in ay dib u fakaraan isna xisaabiyaan”  sidaa waxaa warbaahinta u sheegtay Caasha Shaacuur oo ka tirsan haweenka bulshada rayidka.

Aqoonyahanada, odayaasha, waxgaradka iyo dhamaan qeybaha bulshada ayaa si isku mid ah waxa ay  u canbaareeyeen go’aankii aan ka fiirsahada laheyn ee ay baarlamaanka khamiistii ku kordhisteen mudadada 3-sano ah.

Meelaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada muqdisho ayaa si weyn looga hadal hayaa go’aankaasi, waxaana ay shacabka is weydiinayaan su’aasha ah “ Xili haba la korarsadee yaa biili doono xildhibaanada?.

Www.keydmedia.net