Cabasho kasoo yeereysa Soomaalida Turkiga ku nool

Waxaa cabasho xooggan ay weli ka soo yeereysaa Soomaalida ganacsiyada ku leh dalka Turkiga.

Warar Keydmedia Online
Cabasho kasoo yeereysa Soomaalida Turkiga ku nool

ISTANBUL,Turkiga - Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Turkiga, ayaa sheegaya in qaarkood lagala laabtay shatigii ganacsi, halka kuwa kalana lagu xukumay lacago canshuur ah oo sida ay sheegeen aysan awooddin.

Soomaalida ku ganacsatada Turkiga ayaa hoosta ka xariiqay, in weli ay xabsiyada ku jiraan Soomaali ahaa ganacsato, kuwaasoo ilaa iyo iminka aan la aqoonin sababaha ay ku xiran yihiin.

Mehradaha qaar ayaa milkiilayaashooda la faray in ay baddelaan magacyada ay xusheen oo ah kuwa Soomaaliyeed, iyadoo lagu amray in ay xarrumahooda ganacsi u dooraan magacyo ku qoran luuqado Ajnabi, oo aanu ku jirin Magac Soomaaliyeed.

Falalkaan iyo kuwa kale ayey cabasho xooggan ka muujinayaan ganacsatadaasi Soomaalida ah, oo sidoo kalana eed u jeediyey safaarada Soomaaliyeed ee Turkiga, taasoo sida ay sheegeen diiday in ay ka jawaabto tabashadooda.

Shacabkan Soomaaliyeed ayaa tilmaamaya in ay ku deg degeen maal-galinta dhanka ganacsiga ee ay ka sameyteen dalka Turkiga, iyagoo mar ay warbaahinta la hadlayeena dowladda Soomaaliya ka codsatay in arrintooda ay xalliso.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.