Agaasimihii Radio Muqdisho oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

Afrika wuxuu ahaa wariye mudo usoo shaqeynayay Warbaahinta dowladda, waxaana looga bartey wararka lidiga ku ah Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Agaasimihii Radio Muqdisho oo lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaraxa oo ahaa miino lagu xiray gaari, ayaa waxaa ku geeriyooday Agaasimahii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Gulleed Afrika, waxana ku dhaawacmay Agaasimaha SNTV Sharmaake Maxamed Warsame.

Qaraxa ayaa lagu xiray Gaariga uu lahaa Cabdi Casiis Afrika, oo ahaa weriya si aad ah ula dagaalami jiray afkaarta kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidamada dowlada, kuwaasoo iminka ka wada howlgalo kala duwan.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxan, waxaase boqolkiiba boqol la aaminsan yahay in ay danbeyso kooxda argagixisada ah ee Al- Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE 
 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.