Cabdi Qaybdiid oo u digay Guddoonka Golaha Shacabka

Senator Cabdi Xasan Cawaale ‘Qeybdiid’ oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay go’aankii Galmudug iyo Hirshabeelle ay  ku diideen muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Qaybdiid oo u digay Guddoonka Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Cabdi Xasan Cawaale ‘Qeybdiid’, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka ay qaateen Madaxweynayaaha Galmudug iyo HirShabeelle, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaaw, sidoo kalana uu ku raacay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Jeneraal Cabdi Qaybdiid, ayaa tilmaamay inuu shaki hareynayo, kulanka uu Guddoonka Golaha Shacabka isugu yeeray Aqalka hoose, maalinta Sabtiga, wuxuuna ka digay in dalka mar kale la galiyo xasillooni darro siyaasadeed.

Guddoonka Golaha Shacabka ayuu u sheegay in ay qaadayaan musuuliyadda wixii ka dhashay gan’aanka ka soo baxa golaha wuxuuna xasuusiyay in dhibka hadda taagan ay iyagu sabab u yihiin.

Senator Cabdi Xasan Cawaale, wuxuu booriyay soo jeedinta ah in dib loo billaabo wada hadallada si dalku u aado doorasho loo dhan yahay, tas oo ah dhameystirka heshirkii 17 September 2020.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Fadaraalka ay wali ciidamo ku soo daad gureyneynayan Caasimadda, iyadoo RW iyo Mucaaradku, isku af garteen in ciidamadii isku dhacay la kala qaado, dibna loogu celiyo xarumahoodii.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.