Cabdi Xaashi: Farmaajo sharciga dalka ayuu ku tumanayaa

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay jabinta sharciga dalka. 

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi: Farmaajo sharciga dalka ayuu ku tumanayaa

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA laanta Afka Soomaaliga ayaa ka hadlayaa khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Farmaajo ee salka ku haya guddiyada doorashada xubnaha matala gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha oo hore u dhaliiyay hogaanka Farmaajo asigoo sharci darro ku tilmaamay riditaankii xukuumaddii uu hoggaaminayay Xassan Cali Kheyre: ''Qaladaadka sharciga ee uu madaxweynuhu sameeyay ayeey ka mid tahay, waxey aheyd haddiiba xukuumadda si KMG loo sii waddayo in uu xilka sii hayo Kheyre inta RW laga soo magacaabayo''.

Cabdi Xaashi ayaa kasoo horjeestay magacaabista Villa Somalia ay magacaabeyso gudiga doorashadda Xildhibaanada labada aqalka ee Baarlamaanka soo socda ku mateli doono gobollada Waqooyi.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu sharciga dalka baal-maray, islamarkaana uu beelaha Soomaaliyeed ka galay dembi kadib markii qaarkood xuquuqdoodii matelaadda u diiday.

KEYDEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.