Liiska musharraxiinta Somaliland oo aan weli faro lagu heyn

Guddoomiyaha Guddigan oo ah Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorashada ee 17-kii bishan September, kaas oo dhigayay in si degdeg ah loo guda galo doorashada Aqalka sare ee gobollada Waqooyi, oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warar Keydmedia Online
Liiska musharraxiinta Somaliland oo aan weli faro lagu heyn

MUQDISHO, Soomaaliya- Gudigga Doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa ka dalbaday, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi inay soo gudbiyaan liiska muharraxiinta u tartameysa Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddigan oo ah Khadar Xariir Xuseen ayaa sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii doorashada ee 17-kii bishan September, kaas oo dhigayay in si degdeg ah loo guda galo doorashada Aqalka sare ee gobollada Waqooyi, oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay ka codsadeen in la soo gudbiyo liiska musharraxiinta Aqalka sare, si ay u diyaariyaan jadwalka tartanka oo la filayo in dhawaan uu ka qabsoomo Muqdisho.  

Waa maamulka ugu dambeeya marka laga hadlaayo doorashada xildhibaannada Aqalka sare, taas oo sabab u aheyd is qab-qabsi ka dhex taagnaa guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo xubno kale oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi, kaas oo ku aadanaa arrimaha doorashada gobollada Waqooyi , balse dhawaan ayaa laga gaaray heshiis ay isku waafaqeen dhinacyadii ku muransanaa.

Halkan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Guddiga Doorashada gobollada waqooyi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.