Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Sanatar Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ah Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray warqad uu uga hadlayo doorashada kurasta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.
MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaaa baaq u diray dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada, Musharixiinta xilka Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka, waxa uuna codsaday in la dhiso guddi sare oo madax-bannaan maamluna doorashooyinka xildhibaanada ka soo jeeda Soomaaliland.
Wuxuu sheegay in aan la siin wax tix galin ah dadka reer Waqooyi ee ku sugan Koofurta Soomaaliya, Rajiimka Farmajo ayuna ku eedeeyay in ay faafiyeen war aan waxba ka jirin ah in la xalliyay tabashada ka taagan kuraasta Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare wuxuu dalbaday in dadka reer Soomaaliland iyaga loo daayo doorashaddooda oo si madax bannaan u maamushaan.
Sanatar Cabdi Xaashi Cabdullahi wuxuu caddeeyay in aysan jirin wax heshiis laga gaaray oo la xariira qaddiyaddan kuraasta Soomaaliland.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in aysa jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah oo isku heysa doorashada balse mushkiladda ayuu ku tilmaamay damaca la doonayo in lagu soo celiyo Farmaajo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments