Cabdi Xaashi oo bedelay go’aankiisa doorashadda

Horey ayuu Cabdi Xaashi u sheegay in doorashadda ay ka dhacday Musuq-maasuq sidaas daraadeed loo baahan yahay in dib loogu laabto kuraasta Aqalka Hoose ee Somaliland.

News Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo bedelay go’aankiisa doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, oo ah labada shaqsi ee jeebka gashtay kuraasta Somaliland.

Xafiiska Rooble ayaa yiri: Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Gollaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Woqooyi, iyadoo xal laga gaaray madmadowgii jiray, waxaana iskuna afgartay in horay sii wado howsha doorashada.

Waxay tani imaanaysaa xili hakad ku jirto doorashadda Aqalka Hoose, oo Musharixiintu ay sheegeen in ay jiraan kuraas la boobayo iyo hanaanka oo la afduubey, taasoo aan waafaqsanayn habraacii lagu heshiiyay Sep 17.

Horey ayuu Cabdi Xaashi u sheegay in doorashadda ay ka dhacday Musuq-maasuq sidaas daraadeed loo baahan yahay in dib loogu laabto kuraasta Aqalka Hoose ee Somaliland.

Cabdi Xaashi oo cadaalad u doodayay ayaa isaga kusoo baxay kursiga Aqalka Sare qaab musuq-maasuq ah, isagoo markii hore tartan la'aan rabey inuu ku galo doorashadda, balse markii tooshka lagu ifiyay uu la yimid musharax malxiis ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.