Cabdi Xaashi oo Musharax malxiis ah keensadey

Kadib markii mucaarado iyo diidmo kala kulmay siyaasiyiinta Somaliland ayuu ku qasbanaadey inuu la yimaado Musharax malxiis ah oo isaga diiwaangeliyay.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo Musharax malxiis ah keensadey

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga doorashadda Somaliland ayaa diiwaangeliyay Musharax la sheegay inuu Cabdi Xaashi kula tartami doono kursiga 1aad 11-ka kursi ee Gobollada Waqooyi.

Saciid Cumar Xuseen ayaa xalay la siiyay shahaadadiisa Musharaxnimo, waxaana la sheegay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo u camiri doono Cabdi Xaasho doorashadda kursigiisa.

Cabdi Xaashi ayaa kadib cadaadis uu kala kulmay siyaasiyiinta Somaliland keensadey Musharax maqaar-saar ah, oo la filayo inuu u tanaasuli doono marka doorashadda billaabato.

Maanta oo Talaado ah ayaa la rajeynayaa inay Musharixiinta khudbadahooda u jeediyaan ergada dooranaysa, iyadoo la filayo in maalmaha soo aadan ay dhacdo codbixinta la sugayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.