Cabdi Xaashi oo ogolaadey inuu tago Teendhada Afisyooni

Garabka Cabdi Xaashi ayaa diiday saami-qeybsiga xubnaha gudiga doorashadda ee loo qoondeeyay Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo ogolaadey inuu tago Teendhada Afisyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa gaarey Teendhada Afisyooni, oo ka socota xafladda saxiixa heshiiska doorashadda Soomaaliya.

Waxay tani ka dambeysay kadib wadahadllo iyo shirar gaar ah oo uu la yeeshay Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta Somaliland ee kasoo horjeeda in Mahdi Guuleed oo maamulo kuraasta gobollada Waqooyi.

Dhamaan dhinacyada saamileyda siyaasadda ayaa ku sugan Afisyooni, oo ka qeybgalaya munaasabadda, waxaana dadka hadalka jeedinaya kamid ah Farmaajo oo heshiiskan oo kale inuu ku xaliyo khilaafka ku guul-dareystay.

Rooble iyo Madaxda maamullada ayaa is is-faham ah ku dhameeyay khilaafka doorashadda, iyagoo wax ka bedel ku sameeyay heshisikii Sep 17, kaasoo qodobadiisa qaar ay caqabado ka yimaadeen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.