Cabdi Xaashi: Soomaaliya badbaado ayay u baahan tahay

Xiriirka labada Golle ee Baarlamaanka ma wanaagsanayn mudooyinkii dambe, iyadoo Cabdi Xaashi ku eedeeyay dhowr jeer Gudoonka Gollaha Shacabka inuu bedelay sharci loo soo gudbiyay, si Farmaajo loogu taageero mudo-korarsigiisa.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi: Soomaaliya badbaado ayay u baahan tahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay in loo istaago, oo laga badbaadiyo qaran burburay inay mar kale noqotay, isagoo hoosta ka xariiqay in xaaladda taagan ay tahay mid aan looga baxi karin kala-guurka.

Isagoo ka hadlay kulan maanta Aqalka Sare yeeshay oo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka qeybgalay, ayuu Cabdi Xaashi ka sheegay in loo baahan yahay in laysku tanaasulo si dalka loo badbaadiyo.

Wuxuu xusay in Farmaajo ay tahay inuu dalka isku hayo, oo isagu keeno shir dhamaan dhinacyada kasoo horjeeda iyo kuwa taabacsan, islamarkaana heshiis mideysan looga gaaro khilaafyada jira, ee keenay in xiligan laga wada-hadlo doorashadda, halkii loo diyaargaroobi lahaa.

Aqalka Sare ayaa dhex-dhexaadinaya hadda Axmed Madoobe iyo Deni oo isku dhinac ah iyo Farmaajo oo kilaaf xoog leh kala dhaxeeya kadib markii ay diideen heshiiskii doorashadda lagu gaarey Dhuusamareeb bishii lasoo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.