Jawaari: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo sii noqonayaa Ra’isal Wasaare KMG ah

Muqdisho (KON) - Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa Xilka sii hayn doono inta Madaxweynaha uu Magacaabayo Raisul Wasaare Cusub, sidaas waxaa sheegay Prof. Jawaari.
Warar Keydmedia Online
Jawaari: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo sii noqonayaa Ra’isal Wasaare KMG ah

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta uu Madaxweynuhu ka soo magacaabayo Ra’iisul wasaare cusub.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanku uu ansixin doono in Saacid uu sii noqdo R/Wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya.

Xildihibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sadex Maalmood ka doodayay Mooshin ka dhan ah xukuumadda, waxaana mooshinka u codeeyay 184 Xildhibaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa Kalsoonidii kala noqday Ra'iisal wasaare Saacid iyo golihiisa Xukuumadda. 249 Xildhibaan ayaa Codeyneysay, waxaana diiday 65 Xildhibaan, 184 ayaa Ogolaatay Mooshinka. Mooshinkii waa Gudbay!

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa Saakay sheegay inuu Aqbali doono go’aan walba oo kasoo baxa Kulanka Haarlamaanka.

Halkaan ka Dhageyso Shir Jaraa'idkii ugu dambeeyay uu sameeyay

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho