Gen. Cabdi Qeybdiid oo isku soo sharaxaayo Madaxtinimada Maamulka Galmudug

Gaalkacyo (Keydmedia) - General Cabdi Qeybdiid ayaa Maantay sheegay inuu yahay Murashaxa Xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Warar Keydmedia Online
Gen. Cabdi Qeybdiid oo isku soo sharaxaayo Madaxtinimada Maamulka Galmudug

Kulan uu la qaatay odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo ayuu ku sheegay in uu isu soo taagi doono doorashooyinka soo aadan ee madaxtino, isaga oo ka codsaday in ay taageeraan.

Wuxuu sheegay inuu u horseedi doono Galmudug nabad galyo iyo horumaro xaga bulshada ah, isaga oo balan qaaday inuu la shaqeyn doono Maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.

Musharaxnimada Cabdi Qeybdid ayaa imaaneysa xili ay socdaan shirar iska soo horjeeda ee maamulo kala duwan loogu samaynayo gobolada dhexe. 

Magaalada Nairobi ayaa waxa todobaadkii hore ka dhacay shir hordhac ah oo la filayo in todobaadkan loosoo raro Muqdisho kaasoo ay hormuud ka yihiin maamulada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo wada qorshe ay ku midoobayaan isla markaana ku balaarinayaan maamulkooda degmooyinka Dhuusamareeb, Matabaan, Xarardhere, Ceel-Buur iyo Ceel-Dheer.

Waxa isna ka socda degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb shir ay gogoshiisa fidisay Dowladda Itoobiya uuna garwadeen ka yahay mudane Axmed Xaji C/salan oo la filayo in isna lagu dhiso maamul afaraad oo ka dhan ah kan Ahlu Sunna, Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug.

Keydmedia.net - Xafiiska Gaalkacyo