Cabdi Xakiin Xaji Fiqi “Dareyska Ciidankeena ayaa lagu Qaraabtaa

Muqdisho(KON) - Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Dawladda Federalka Soomaalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in lagu Qaraabto Dareyska Ciidamada Dowladda Soomaalia.
Warar Keydmedia Online
Cabdi Xakiin Xaji Fiqi “Dareyska Ciidankeena ayaa lagu Qaraabtaa

C/xakiin Xaji Fiqi wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaalia oo Manta Booqosho ku tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ay jiraan Dad ku qaraab Dareyska Ciidamada oo ku dhaca Dadka shacabkaa.

Waxuu xusay in Dadkaasi ay Wasaaradiisu ula dagaalami doonto sida Kooxda Shabaab- Qaacida islamarkaana aysan indhaha ka qarsan doonin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Tilmaamay in ay jiran is baarooyin yaala Gobolka sh/hoose oo ay dhigtaan Ciidamada Dowladda taasna ay dhawaan Soo afjari doonan.

Hadalka wasiirka ayaa Ku soo aaday xili Cabasho xoogan laga Muujiyo Ciidamo ku labisan Dariiska Ciidamada Dowladda Soomaalia.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.