Kala dirista xukuumaddii Kheyre oo shirqool lagu tilmaamay

Bixitaanka Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa durbaba ka dhashay cadaadis xooggan oo dowladda Soomaaliya kala kulmeysa Beesha Caalamka, iyadoo Mareykanka ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo Kooxo qaswadayaal ah.

Warar Keydmedia Online
Kala dirista xukuumaddii Kheyre oo shirqool lagu tilmaamay

MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horaantii todobaadkaan si lama filaan ah u kala diray xukuumaddi Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxaana tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyay isi soo tarayo dhaleeceynta loo jeedinayo Barlamanka oo ku aadan in aan hab sharciga waafqasan loo marin xil ka qaadistii Kheyre.

Madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ridista xukuumaddi Kheyre aysan aheyn mid sharciga waafaqsan, islamarkaana hab raac dastuuri ah aan loo marin.

Gaas ayaa sheegay in xeer hoosaadkii iyo nidaamkii la rabay in loo maro xil ka qaadista Kheyre la baal maray, baarlamaanka Soomaaliya uusan siinin fursad ay isku difaacdo xukuumadda Kheyre, taasoo loo micneyn karo wax shirqool u eg.

“Waxaa moodaa wax laga soo shaqeeyay oo la soo abaabulay oo sidii shirqool u eg inay aheyd wax sax ah ma aheyn nidaamka dowladnimada ku haboon aniga ilama ahan baarlamaanka taariikh xumo ku tahay mooyaane, wax hadda ay Ra’iisul Wasaaraha ay u dhintan ma jiraan”ayuu yiri C/weli Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in markasto oo la gaaro marxlad kala guur ah uu baarlamaanka sidaan u dhaqmo, arintaana u jeedkeeda ugu weyn uu yahay muddo kororsi la doonayo in dowladda madaxweyne Farmaajo loo sameeyo.

Kala diristii xukuumadda Kheyre ayaa waxaa walaac ka muujiyay hay’adaha caalamiga ah ee taageero dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin masuuliyiin xilal hore soo qabtay, waxaana ugu tun weyn Mareykanka oo ku hanjabay in uu arintaan talaabo ka qaadi doono.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.