Cabdiweli Gaas oo Maamulka Khaatumo State kala laabtay Aqoonsiga! - Daawo

London (Keydmedia) - Qilaafka ka jira Villa Soomaaliya ayaa ayaantaan soo kordhaayay, War Saxaafadeed oo Caawa ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha ayaa lagu diiday Aqoonsiga Maamulka Cusub ee Khaatumo State.
Warar Keydmedia Online
Cabdiweli Gaas oo Maamulka Khaatumo State kala laabtay Aqoonsiga! - Daawo

Ra'iisul-wasaaraha TFG-da C/weli Maxamed Cali ''Gaas'' ayaa diiday Aqoonsiga Maamulka Khaatumo State Of Somalia, sida uu ku sheegay War-Saxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul-wasaaraha.

Madaxweynaha TFG-da Sheikh Shariif ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in Dowlada ay Aqoonsatay Maamulka Khaatumo State oo lagu yagleelay Shir ka dhacay Degmadda Taleex.

Maxamuud Garaad aa arintaas ka hadlay ayaa Xafiiska Keydmedia ee London u sheegay "Khaatuumo Aqoonsi ugama baahna Cabdiwaalii Gaas iyo Faroole, Khaatumo waxaa dhistay Dadkeeda, waxaana Aqoonsaday Dadkeeda iyo Beelaha Soomaaliyeed oo dareensan Baahida loo qabo Nabad kuwada noolaadka"

Wixii kusoo Kordha Warkaan kala soco Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska London

Aqriso War-Saxaafadeedka: