Cabdixaashi iyo Siyaasiyiin ka hor yimid Jadwalka doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka BJFS Cabdi Xaashi iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa ka hor yimid Jadwalka doorashooyinka shalay la soo saaray.

Warar Keydmedia Online
Cabdixaashi iyo Siyaasiyiin ka hor yimid Jadwalka doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Aqalka BJFS Cabdi Xaashi iyo Siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa ka hor yimid Jadwalka doorashooyinka ee ay shalay soo saareen guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka heer federaal iyo heer goboleed.

Qoraal ay si wada jira ah usoo saareen siyaasiyiin kasoo jeeda Gobollada Waqooyi oo cinwaan looga dhigay Qaddiyadda Xildhibaanada ee Doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Somaliland ayaa la soo saaray, waxaana si aada ay uga hor yimaadeen jadwalkii doorashooyinka kaasoo lagu sheegay in dabayaaqada bishan aynu ku jirno la billaabi doono howliaha  diiwaan gelinta Sanatar -rada ee laga soo dooran doono Dowlad Goboleedyada.

"Waxaanu caddeynaynaa in aanay guddiyada dowladdu ku magacowday wadatashi la'aanta ee u badan shaqaalaha dowladda, ciidanka, la-taliyayaasha iyo taageerayaashu aanay wax sharciyad ah u haysan in ay qabtaan doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda GWSL. Balse cidda keliya ee awoodda u leh in ay qabato doorashada Xildhibaanada GWSL ay tahay guddiga doorashada oo ku yimid wadatashiga ee uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Halkan ka akhriso War-Saxaafadeed -ka:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.