Cabsi amni-darro oo ka jirta Raaga-ceelle

Wararka ka imaanayaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan deegaanka Raaga-ceelle ay soo food saaratay cabsi laga qabo in Kooxda Al-Shabab soo galaan magaalada.

Warar Keydmedia Online
Cabsi amni-darro oo ka jirta Raaga-ceelle

RAAGA-CELLE, Soomaaliya - Tuulooyin ku yaalla baadiyaha Raaga-ceelle ayaa la soo wariyay in Kooxda Al-Shaabaab aya halkaa ka wadaan dhaqdhaq xoogan sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ku baxay deegaanada ay joogaan Kooxda Al-Shabaab.

Ita badan tuulooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa si joogto ah loogu arkaa ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Warciise, Doondheere iyo Shamiindo oo ah tuulooyin hoos taga Jowhar ayaa sidoo kale laga sheegayaa in Kooxda Al-Shabaab ay ku shugan yihiin.

Dowladda uu Farmaajo hoggaamiyo ayaa tan iyo markii ay timid waxba ka qaban Aminiga marba marka kasii danbeysa sii xumaanyay ee gobolka Shabeeelaha Hoose.

Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaas ayay dowladdu intooda badan ku tilmaantay maleeshiyaad qabiil, waxa ayna siyaasadeysay dhiiwaan galintii askarta ee sanadki hore soo gabagabowday, taas oo sababtay ciidamao xoogan oo gobolkaas ku sugan gadoodaan.

Dhowr Xildhibaaanno ka tirsan Hirshabeelle ayaa lagu dilay inta u dhaxeysa Muqidisho iyo Jowhar sanadkii hore, waxaana si aad looga deyrinayaa amniga guud ahaan Sh/Dhaxe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.