Cabsi ka jirta Degmada Diinsoor iyo Ciidamo Amxaaro ah oo soo dul Degay

Kismaayo (Keydmedia) - Xiisad iyo cabsi dagaal ayaa maanta ka jirta degmada Diinsoor ee gobbolka Bay, waxaana ay arrintani ay ka dambeysay kadib markii Ciidamo aad u farabadan oo isugu jira Xabashi, Amxaaro iyo Soomaaliya ay soo dul dageen degmada Diinsoor.
Warar Keydmedia Online
Cabsi ka jirta Degmada Diinsoor iyo Ciidamo Amxaaro ah oo  soo dul Degay

Ciidamadaan oo aad u qalabeysan islamarkaana wata gaadiidka dagaalka Gaashaaman ayaa soo dul deggay meel 20km u jirta magaalada taasoo keentay in xaalad kacsanaan iyo jahawareer laga dareemo gudaha degmadaDiinsoor.

Maleeshiiyaadka Shabaabka oo gacanta ku haya degmada Diinsor ayaa iyaguna bilaabay dhaq dhaaqaaqyo iyo hub aruur ay ku doonayaan inay ugu hor tagaan duulaanka ku soo wajahan, hasayeeshee waxaan la ogeyn in Maleeshiyaadka Shabaabka ay si fool ka fool ah ugu hor tagi doonaan iyo inay magaalada baneyn doonaan sida horay looga bartay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa tibaaxaya in Ciidamadani marka ay Diinsoor qabsadaan kadib ay ku wajahnyihiin magaalooyinka Baardheere iyo Bu,aale oo ka kala tirsan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

Degmada Diinsoor waa degmada Muhiim u ah cidii qabsata, waxana cidii qabsata ay weerari kartaa gobbolada Gedo, Jubbooyinka iyo Shabellaha Hoose.

Wixii ku soo kordha kala Soco www.Keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo