Cadaadis caalami ah oo ku kordhaya Farmaajo iyo Rooble

Khilaafka siyaasadeed ayaa khatar gelinaya doorashooyinka iyo amniga dalka, waxaana ismariwaaga taagan sii daba-dheereynayaa jawdalka codbixinta.

Warar Keydmedia Online
Cadaadis caalami ah oo ku kordhaya Farmaajo iyo Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo markii uu billowday dagaal siyaasadeedka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, waxay xaaladda Soomaaliya soo jiidanaysay indha Beesha Caalamka.

Gollaha Amaanka ayaa shalay ku yeeshay New York kulan gaar ah oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka mas'uuliyiinta dalka ugu sareeya.

Safiirka UK ee Gollaha Amaanka Barbara Woodward oo shirka isagu yeertay ayaa sheegtay inay sii wadayaan cadaadiska ay saarayaan Madaxda Soomaaliya, illaa ay ka xaliyaan Khilaafka.

Waxay sheegtay inay warbixin ka dhageysteen James Swan oo macluumaad ka siiyay Gollaha Amaanka Khilaafka ka jira Soomaaliya iyo sida uu u saameeyay doorashooyinkii socday.

Gollaha Amniga ayaa ugu baaqey Farmaajo iyo RW Rooble inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda si loo xaqiijiyo amniga iyo deggenaashaha Soomaaliya u baahan tahay.

Sidoo kale, safiirada Beesha Caalamka ayaa baaq noocan ah jeediyay, iyadoo Midowga Yurub Maanta sheegay in madaxa Soomaaliya looga baahan yahay inay wadahadal ku xaliyaan khilaafkooda.

Xaaladda ka jirta Soomaaliya ayaa sii cakirmaysa, iyadoo kiiska Ikraan Tahliil oo baasiinka kusii shubay dabka, waxayna u egtahay muranka taagan inuu dagaal isku bedelayo.

Bishii April ee sanadkan, murankii ka dhashay mudo korarsiga Farmaajo wuxuu horseeday dagaal Muqdisho ka dhacay oo sababay inay kumanaan guryahooda ka cararaan.

Lama oga inay baaqdyada Beesha Caalamka shaqeyn doonaan, oo wadahadal laga yeelan doono khilaafka taagan, oo Farmaajo iyo Rooble isku awood sheeganaya maamulka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.