Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka codsaday Baarlamanka Hirshabeelle in la siiyo waqti ku filan oo dheeri ah si uu usoo dhiso gole wasiirro cusub
JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa ka qeyb galay fadhigii Baarlamanka Hishabeelle ee maanta ka dhacay magaalada xarunta u ah ee Jowhar, waxaana fadhigaasi uu ka codsaday in loo kordhiyo muddada uu kusoo dhisayo golihiisa wasiirrada cusub.
Cali Guudlaawe ayaa ku guul darreystay inuu soo dhiso muddo laba bil ah golihiisa wasiirada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, waxa uuna maanta hortagay Baarlamanka isagoo weydiistay in muddo dheeri ah la siiyo si uu usoo dhiso golo wasiirro tayo leh, 54 Xildhibaan oo xaadir ku ahaa fadhiga maanta ayaa dhammaantood waxay cod gacan taag ah ugu ogolaadeen madaxweynaha in la siiyo muddo dheeri ah si uu usoo dhammeystiro.
Ma jirin wax ka aamusay ama diiday, waxayna u egtahay in ay kaga qanceen madaxweynaha waqtiga dheeriga ah ee uu ubaahday, xildhibaanada Hirshabeelle ayaa horay u ansixiyay muddo kordhin loo sameeyay baarlamanka iyo madaxweynaha oo ku darsaday muddo hal sano ah.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments