Cali Guudlaawe oo loo doortey Madaxweynaha Hirshabeelle

Xildhibaanada codeeyay ayaa u badan xubno katirsan NISA, sida KON horey usoo qortay, kuwaasoo uu keenay Fahad Yaasiin, oo doorashadda u afduubnayd.

Warar Keydmedia Online
Cali Guudlaawe oo loo doortey Madaxweynaha Hirshabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Cali Cabdullaahi Xuseen [Cali Guudlaawe], ayaa maanta loo doortey Madaxweynaha Hirshabeelle 4 sano soo socota, isagoo ku guuleystay cod aqlabiyad leh.

Waxa uu helay 86 cod, halka musharax kale ee la tarmayay uu ku guuleystay 13 cod, waxaana codeeyay 99 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay gudiga doorashadda.

Cali Guudlaawe oo horey usoo noqday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa la sheegay inay taageertay Villa Somalia, wuxuuna kasoo jeeda gobolka Hiiraan. 

Waxay ahayd doorasho natiijadeeda horey loo ogaa, oo Musharaxiinta ku guuleystay loo saadaaliyay guushooda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.