Cali Guudlaawe oo magacaabay wasiirro cusub

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa magacaabay saddex wasiir oo kamid noqonaya golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle

Warar Keydmedia Online
Cali Guudlaawe oo magacaabay wasiirro cusub

JOWHAR, Soomaaliya Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa Maanta magacaabay seddex Wasiir oo ka mid noqonaya Golihiisa Wasiiradda kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Wasiirada la Magacaabay ayaa kala ah

  1. Maxamed Cumar Ceymoy Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka.
  2. Xil. Saalax Maxamed Xasan Wasiirka Wasaarada Biyaha iyo Tamarta.
  3. Xil. Saadaq Salaad Warsame Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Cali Guudlaawe madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa la doortay dabayaaqada sanadkii hore ee 2021, waxaana uu horay u codsaday in la siiyo muddo dheeraad ah si uu usoo magacaabo golo wasiirro cusub, isagoo maanta magacaabay saddex wasiir oo kamid noqonaya golihiisa wasiirada.

Halkan ka akhriso wareegtada uu ku magacaabay saddexda wasiir:

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.