Cali Mahdi oo ka hadlay halka ay mareyso xaaladda siyaasadeed ee Dalka

Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dagan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay halka ay mareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Cali Mahdi oo ka hadlay halka ay mareyso xaaladda siyaasadeed ee Dalka

MUQDISHO, Soomaaliya – Cali Mahdi, ayaa sheegay inuu ka murugsan yahay xaaladda jirta, wuxuuna saadaaliyay in haddi arintu sidaan sii ahaato uu dalku gabi dheer ka dhici doono.

Madaxweynaha, Baarlamaaan-ka iyo Ra’iisulwasaaraha ayuu sheegay inay qaadayaan masuuliyadda wixii hallaaba, maadaama ay iyagu dalka ugu sarreeyaan.

Baarlamaan-ka ayuu ku eedeeyay, waajib gudasha la’aan, maadaama hay’addii Fulinta aysan u shaqeyn sida loogu talo galay.

Farmaajo ayuu sheegay inuu madaxa iyo majaha isaga xirayo xaaladda taagan oo ay ugu horreyso arinta Guddiga Doorashada Dadban ee lagu muransan yahy.

Cali Mahdi, ayaa goglaha Beelaha Hawiye qabanyeen ku tilmaamay kuwo nabadeed oo lagu raadinayo xal iyo in mar danbe uusan dalkaan dagaal ka dhicin.

Gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay waajib tahay inuu helo maamul sida gobolada kale ee dalka.

Haddii xaalka oo sidaan ah la gaaro 8 Feebaraayo 2021, iyaddo aan doorashada lagu heshiin ayuu Cali Mahdi tilmaamay in ay musiibo dhici doonto.

In dalka ay doorasho ka dhacdo ayadoo maamulada qaar maqan yihiin ayuu ku tilmaamay mid aan macquul ahayn, kala tagga dadka iyo dalka ayuu sifeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.