Cali dheere: Xasan Daahir isaga ayaa laga rabaa meesha uu ka keenay khilaafka

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Afhayeenka Shabaab Cali dheere ayaa sheegay in aanu jirin khilaaf u dhaxeeya kooxdooda isagoona been ku sheegay hadalkii shalay ka soo baxay xasan Daahir ee ku aadanaa in khilaaf uu jiro isla markaana hada kadib kooxda ay iska canbaareyn doonto warbaahinta.
Warar Keydmedia Online
Cali dheere: Xasan Daahir isaga ayaa laga rabaa meesha uu ka keenay khilaafka

Arintan ayaa muujineysa in shabaab gaar ahaan garabka Hawiye uu u dhaxeeyo khilaaf isla markaana ay dusha ka eeganayaan garabyada kale sida  kooxda Roobow iyo kooxda Godane oo iyagu si kale isu maandhaafsan.

Ismaandhaafka u dhaxeeya shabaabka Hawiye ayaa waxa uu soo ifbaxayaa xili dad badan oo ehel xiga kuwa hada is khilaafsan lagu laayay dagaalada ka socda Muqdisho iyo gobalada Dalka.

WWW.KEYDMEDIA.NET