Caqabad Siyaasadeed oo soo Foodsaartay Shirka Dhuusamareeb Wajigiisa 3-aad

Xog aan helnay oo u muuqata in hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ay ka biyo diidi doonaan wajiga saddexaad ee shirka Dhuusamareeb bartamaha bishan 

Warar Keydmedia Online
Caqabad Siyaasadeed oo soo Foodsaartay Shirka Dhuusamareeb Wajigiisa 3-aad

Guddiggii Farsamo ee hordhaca u ahaa shirka 3-aad ee lagu balansanaa in uu ka qabsoomo Dhuusamareeb bartamaha bishan ayaa ku shirsan Décalé Hotel oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Sida Keydmedia Online ay u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Jubaland, kama aysan soo qeyb galin xubnahoodii gudiga farsamo. Waxay hoosta ka xariiqeen in ku gacan sayreen gogol ay dhigtay Xukuumad aan sharciyad heysan. 

Xukuumadda Federaalka ayaa haatan ah mid ku-meel-gaar ah kadib markii kursiga cod aqlabiyad ah looga tuuray RW hore Xasan Cali Kheyre, kaas oo lagu eedeeyay in uu ku fashilmay ka-mirodhalinta yoolalkii ay xukuumaddiisu degsatay saddex sano iyo bar ka hor.

Wararka waxay intaa ku darayaan in afartii cisho ee ugu dambeysay ay socdeen shirarka iyo kalfadhiyada guddiga farsamo ee ka kooban maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Waxaa ka mid ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Arrintan ayaa u muuqata in ay rumowday riyadii Madaxweynaha ee aheyd in gacan buuxda uu ka helo maamulo ku qanacsan aragtiisa siyaasadeed ee ku aaddan kororsiga mudo-xileedka. 

Puntland iyo Jubaland oo aragti mideysan ka taagan arrintan una arka shirka in uu yahay mid iyaga lagu gacan-bidixeyn doono ayaa u arka in natiijada ka soo baxda aysan khuseyn doonin. 

Warar ay Keydmedia Online ka soo xigatay Beesha Caalamka oo la xiriira shirka Dhuusamareeb ayaa walwal iyo walaac ka muujiyay sida ay wax ku waddo dowladda Federaalka, taas oo garab marsan heshiiskii lagu gaaray magaaladda Dhuusamareeb. 

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.