Carlo Ancelotti oo laga eryay kooxda Chelsea.

Keydmedia Sport) - Macalimka Talyaaniga ah ee Carlo Ancelotti ayaa saacado kadib markii uu soo idlaaday horyaalka Ingiriiska waxaa lashaciyay in kooxdaasi maanta kadib usan leyli dioonin
Warar Keydmedia Online
Carlo Ancelotti oo laga eryay kooxda Chelsea.


Macalimkaan oo 51-jir ah  kooxda Chelsea-na  leylinayay labasano ayaa lagu edeeyay in uu gaarsiin waayay hadafkii kooxdu tiigsaneysay.

Qandaraasskii kooxda uu kula joogay wali ma dhamaan, hasa yeeshee war saxaafadeed ka soo baxay madaxweynaha kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in aysan suuragal aheyn in kooxdu sidan ku socoto, isbedelna lasameynayo kahor xilli ciyaredka soo socda, lagama maarana ay tahay in maclin cusub lahelo.

Kooxda ayaa sanadkaan ku hingoowday in ay qaado wax koob ah iyada oo kaalinta labaad ee horyaalkana kula jirta farqi xagga goolasha ah oo ay uga horeyso Manchester City oo ay isku dhibco yihiin.


Ancelotti ayaa 8 sano oo uu leylinayay AC Milan waxa uu u suura geliyay in ay hanato   Champions League sanadihii  2003 iyo 2007, waxa uu bishii  June 2009, qandaraas sedax sano ah lasaxiixday kooxda Chelsea.


Ancelotti ayaa xilli ciyaaredkii ugu horeeyay ee uu laqaatay kooxda waxa uu ku guuleestay  Premier League iyo FA Cup .


Chelsea ayaa hada waxa ay dadaal ugu jitraa in ay hesho macalimkeedii 7-aad mudo 8 sano ah laga soo bilaabo 2003-dii oo uu madaxweyne kooxdaasi u noqday Abramovich.

Macalimka kooxda Porto, Andre Villas-Boas, Hiddink  iyo macalimkii hore ee  Barcelona, Frank Rijkaard ayaa lafilayaa midkood in uu bedelo Ancelotti.

Keydmedia Sport