Meydka Caruur Xildhibaan oo laga helay duuleedka Baydhabo

Meydka labo caruur oo walaallo ah ayaa laga helay duuleedka Magaallo madaxda gobolka Bay ee Baydhabo. 

Warar Keydmedia Online
Meydka Caruur Xildhibaan oo laga helay duuleedka Baydhabo

BAYDHABO, Soomaaliya -  Meydka labo carruur ah oo uu dhalay Xildhibaan Aweys Cabdullaahi Ibraahim oo hore uga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa saakay meydkooda laga helay duuleedka magaalaada Baydhabo.

Labadaan carruur ayaa shalay galab aaday dugsi Qur’aan waxaana la waayay isla shalay, waxaana maanta la helay meydkooda oo ay ku yaallan dhaawacyo loogu geystay middi.

Goob-joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa sheegay in Caruurta oo wiil iyo gabar ah ay ka maqan yihiin kilyaha, lana rumeysan yahay in dad ka ganacsada xubnahaas maqan ay carruunta af-duubteen, kadibna dileen.

Dadka deggaanka ayaa walaal xooggan ka muujiyay arrintan, waxaana socda baaritaanno ay laamaha amniga maamulka Koofur galbeed ka wadaan caasimadda Bay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.