Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Dagaalka culus ee xalay saqdii dhexe ilaa hadda ka socda Degmada Baled-Xaawo ayaa lasoo warinyaa inuu ka dhashay qasaara xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh.
BALAD-XAAWO ,Soomaaliya - Dagaalkaan oo u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo kuwa Juballand ayaa sababay geerida Shan caruur ah oo wada dhalatay kuwaas oo mid ka mid ah madaafiicda ay labada dhinac isku adeegsanayeen uu ku dhacayn guri ay ku sugnaayeen oo ku yaalla magaalada uu dagaalku ka socdo ee Balad-Xaawo.
Cabdiwali Turmaag Maxamed oo ah aabaha dhalay caruurtaan geeriyootay ayaa la sheegay inuu bad-qabo.
Ciidamada Juballand ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ku sheegayaan in ay qabsadeen magaalada, halka ciidamada dowladdu geysay Balad-Xaawo ay soo bandhigayaan sawirrada askar ay ku tilmaameen in laga qabtay dhanka Juballand.
Dadka degmada ku dhaqan ayaa intooda badan ka qaxay magaalada, waxaana guud ahaan go’an adeegga is gaarsiinta Balad-Xaawo.
Farmaajo ayaa isu leynaya dhaliyaro Soomaaliyeed si uu u gaaro dano gaar ah oo uu leeyahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments