Carruur si arxan darro loogu dilay duleedka Muqdisho

Falalka noocan ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Soomaaliya, iyadoo maalmo kahor nin xaaskiisa u dilay lacag $25.

Warar Keydmedia Online
Carruur si arxan darro loogu dilay duleedka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay heleen meydadka labo Carruur ah, oo isla dhashay kuwaasoo si arxan darro ah loogu dilay duleedka Muqdisho.

Caruurta ah ayaa kala ah Wiil 7 jir ah iyo Gabar 5 jir, waxaana lagu dilay Ceejo, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska C/fitaax Aadan, oo ku tilmaamay dilkan mid aan horey loo arag.

"Carruurta waa la ceejiyay kadibna afka ayaa Ciid loogu shubey si aysan u neefsan, waa dhacdo argagax leh oo aan horey loo arag," ayuu yiri Afhayeenka u hadlay booliska.

Wuxuu intaasi ku darey in Ciidanka booliska ay soo xireen hooyada dhashay Caruurta iyo ninka qaba, oo aan dhalan Caruurta, balse adeer u ah, kaasoo looga shakisan yahay dilka.

Illaa hadda lama oga sababta loo dilay Carruurtan yaryar, oo aan wax dembi ah gali karin, waxayna arinta argagax ku beertay dadka xaafadda oo sheegay inay ka xanuunsadeen dilkan.

Dhacdadan waxay ka dhacday degaanka Garasbaaley, oo ku taalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo ay ku nool yihiin kumanaan barakacayaal ah.

Falalka noocan ah ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Soomaaliya, iyadoo habeen hore nin xaaskiisa oo u dhashay 9 Carruur ah u dilay lacag $25 gudaha Muqdisho.

"$25 sisii ayuu ku yiri Xaaskiisa, iyadana way u diidey, wuxuu usoo qaatey mini weyn oo si arxan darro ah ugu dilay, iyagoo gacmaha ka jarjaray," ayay tiri gabar deris la ahayd.

Qamar Cabdiraxmaan Cumar oo ku noolayd degmada Xamar Jajab, ayaa shalay la aasey kadib markii Seygeeda ay Carruurta u dhashay uu ku dilay Mindi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.